Magaalada Gacnafale ee Gobolka Mudug waxaa maanta lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu daahfuray sanad-dugsiyeedka cusub ee Gacnafale Primary School, iyadoo munaasabadda sidoo kale lagu abaalmariyey ardaydii kaalimaha hore ka galay waxbarashada iyo ardaydii dhammaysatay barashada Dugsi Qur’aanka ee deegaanka.
Munaasabadda waxaa ka qaybgalay Maamulka Deegaanka Gacnafale, maamulka iyo macallimiinta dugsiga, waalidiinta, waxgaradka, culimada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka bulshada iyo mustaqbalka jiilka soo koraya.
Intii ay munaasabadda socotay, waxaa hadallo kala duwan jeediyey mas’uuliyiinta iyo qaybaha bulshada, iyadoo lagu dhiirrigeliyey ardayda inay sii wadaan dadaalka waxbarasho, akhlaaqda wanaagsan iyo ka faa’iidaysiga fursadaha waxbarasho ee ay haystaan.
Sidoo kale, abaalmarinno iyo shahaadooyin ayaa la guddoonsiiyey ardaydii ku guuleysatay kaalmaha hore ee waxbarashada, taas oo dhiirrigelin u noqonaysa ardayda kale si ay ugu dadaalaan waxbarashada iyo inay gaaraan natiijooyin wanaagsan.
Ardaydii dhammaysatay Dugsi Qur’aanka ayaa iyagana munaasabadda lagu maamuusay, iyadoo loo aqoonsaday dadaalkooda ku aaddan barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo cilmiga diinta.
Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad iyo dhiirrigelin leh, iyadoo bulshada deegaanka Gacnafale ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo taageero waxbarashada, barbaarinta iyo horumarinta jiilka mustaqbalka.
Waxbarasho tayo leh iyo tarbiyadda wanaagsan ayaa saldhig u ah horumarka bulshada.
























