Hay’adda Tabantaabo Foundations ayaa qabatay xaflad weyn oo warbixin iyo dhaqaale ururin ah oo lagu soo bandhigay waxqabadkii 2022–2024 iyo qorshayaasha cusub ee 2025–2026, taasoo lagu qabtay magaalada Minneapolis, USA 
Xafladdan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo lagu soo bandhigay mashaariic wax ku ool ah oo hay’addu ka fulisay gudaha Soomaaliya.
Madaxda hay’adda oo ay ka mid yihiin Bayle Xasan, Mohamed Qani, iyo Abdikariim Hirsi ayaa faahfaahin ka bixiyey guulihii la gaaray iyo qorshaha mustaqbalka ee hay’addu ku wajahdo horumarinta adeegyada bulshada.


















