Tabantaabo Foundation

WARBIXIN: URURKA TABANTAABO MASHAARIICDA HORUMARINTA 2023-2024

WARBIXIN: URURKA TABANTAABO MASHAARIICDA HORUMARINTA 2023-2024

 

Hordhac

Ururka Tabantaabo wuxuu 2023-2024 ka hirgaliyey mashaariic horumarineed oo muhiim ah degaannada Xaarxaar, Gacnafale, iyo Tuulo Ciise. Warbixintan waxay ka tarjumaysaa guulaha la gaaray, sida loo fuliyey mashaariicda, iyo saamaynta ay ku yeesheen bulshada degaannadaas.

Kulanka Shirweynaha Telegram (Sabti, Agoosto 5, 2023)

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen aqoonyahan, waxgarad, siyaasiyiin, culimo, iyo dhallinyaro ayaa looga wada hadlay muhiimadda sii xoojinta hawlaha horumarinta. Muxaadarada wacdi ah oo uu jeediyey Sh. Hussein Jama waxay dhiirrigelisay ka qaybgalka tolka. Waxaa shirku dhaqaale ku yaboohay $86,000, kaasoo lagu fuliyey mashaariic kala duwan.

Mashaariicda La Fuliyey

  1. Gacnafale
  • Saldhig Boolis ee deegaanka gacno fale  ($53,156)

Waxaa dhismihiisa fulisay shirkadda Hiraal Engineering & Construction, taasoo shaqo abuur weyn u horseeday degaanka.

  • Solar-ka Dugsiga Hoose/Dhexe ee gacnofale ($2,210) Nalalka qolalka iyo barandada ayaa la rakibay.
  • Dhismaha Fasal Cusub ($4,966)

Qolka cusub waxaa iska kaashaday Abdirahman Omar Dheere iyo Tabantaabo.

  1. Xaarxaar & Reydabta
  • Dhismaha Dugsi Qur’aan (Reydabta) ($3,956)

Waxaa la dhisay laba qol oo dugsi Qur’aan ah. Waxaan caawin ka gaystay dadka deegaanka oo iyaguna isku tashi markii hore ku soo gaarsiiyaya wareeg 2 mitir

  • Solar-ka Dugsiga Xaarxaar

Fasallada iyo barandada ayaa la ifiimiyay , iyadoo computer-rada

lagu daray. Waxaa xusid mudan in mashruucaan ay ku baxday lacag dhan $5522 inta ay tabantabo bixisay oo ah inta kor ku xisan maahee inta kale waxaa bixiyay ADSO oo ah NGO calaami ah waxa ayna marisay lacagta ururka tabantaabo .

  1. Tuulo Ciise

Dhul Suuq Ganacsi ($12,550)

Dhulka ayaa loo iibiyey mashruuc Wasaaraddu qorshaysay, taasoo kor u qaadaysa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degaanka.

  1. Tabantaabo Foundations Inc. iyo other expences $ 2160

Minnesota, USA

Waxaa la sharciyeeyey hay’ad NGO ah oo hawlaha horumarinta ka fulin doonta gudaha iyo dibedda.

Puntland

Hay’addu waxay sidoo kale heshay sharciga Puntland si ay uga hawlgasho gobolka.

Gunaanad

Tabantaabo waxay tusaale fiican u tahay sida wadajirka iyo qorsheynta wanaagsan ay bulsho uga faa’iidi karto mashaariic horumarineed. Waxaa muhiim ah in dadaalladaas la sii wado si kor loogu qaado adeegyada bulshada.

 

Scroll to Top
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.